faafaahin:Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

by admin | Sunday, Jan 17, 2021 | 418 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar hoobiyeyaal ah oo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa Hoobiyeyaasha oo qaarkood ku dhacay Gudaha Xerada, kuwaas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha ka dhashay soona gaaray Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee xeradaasi ku sugan.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi Hoobiyeyaasha ah ayaa waxaa ay sheegeen in dhowr xabo ay ku dhaceen Gudaha Saldhiga, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin dad Madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya dhankooda ay tiro Hoobiyeyaal ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhacay duleedka degaanka Hoosingow oo ay ku sugan yihiin dad Shacab ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Hoosingow ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubnaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay uga jawaabayaan weerarkii Hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday Saldhigooda Hosingow.

Like it? Share it!

Leave A Response