Faah-faahin: Qorshaha ay DF isugu ballaarineyso Xamar

by admin | Wednesday, Mar 15, 2023 | 176 views

Doodda la xiriirta dhulalka Danta-guud ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay in hareeraha xaruntaasi laga guuro si xukuumaddu ugu shaqeyso.

Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa iyagana la rajeynayaa inay u guuraan xarumahoodii hore, wallow goobaha qaar ay degan yihiin dad shacab ah.

Maanta waxaa taagan doodda dhulka Bangaariyada ee degmada Wadajir. Dhulkaan waxaa leh Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

In dadkani dhulkaan baneeyaan ayaa dooddeedu taagneyd tobankii sano ee u dambeysay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kal hore la sheegay inuu xayeysiiyay mashruuc lagu kireeynayo dhulkaan.

Dadkii deganaa ayaa badi iskaga baxay xilli hore, qoysas kooban ayaa ku haray dhulkaan. Doodda qoysaskaan qaar waa inay yihiin faraca shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Kenya Airways oo wajaheysa culeys weyn – Maxaa dhici doona maanta oo Sabti ah?
Sida loo wajahaayo dhul ka saarista ayaa xooga dood ah wadata, haddaba aan saddex dhinac ka istaagno arrintaan;

1. Xarumaha dowladda ee weli la degan yahay: Wax dood ah kama taagna dhulka yaa leh. Dowladdu iyada masuul ka ah dhulka danta-guud, xarun dowladeed waa un xarun dowladeeda, sidaas awgeed xilli walba ayay dowladda u baahan kartaa dhulkeeda.

Goobaha ay hadda dowladda dalbatay in laga baxo ee xarumaha dowladeed ah wax badan oo laga dhex raadiyo majiraan, waana adag tahay in qof lagu caawiyo dood la xiriirta in uu iska sii deganaado dhul dowladeed ogolaansho la’aan.

2. Xalka dadka degan dhulalka danta-guuda: Dadku maadaama aanay badankood diidaneyn inuu dhulkan yahay mid dowladdu leedahay, haddana dhanka kale dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay qirato in dadkan dadkeeda yihiin, dad danyar ah yihiin oo u baahan u turid iyo taakuleyn.

Dadka aan isku filneyn ee xarumihii dowladda degan waxaa haboon inay dowladdu meel kale dhul ka siiso oo laga caawiyo geedi asluubeysan.

Masuuliyad ayaa ka saaran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guud ahaan badqabka muwaadiniinteeda, gaar ahaan hubinta nolosha iyo deegaanka kuwa laga saarayo dhulalka danta-guud.

3. Gacanta ay ku dambeynayaan dhulalka ama xarumaha dowladda: Maadaama ay hore u dhacday dhul dowladeed oo inta shacab laga saaray ay siyaasiyiin qaateen, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga rabaa hubinta in xarumahaan ay dowladda ka faa’iideysato.

Inay kireysan doonto oo ay kab dhaqaale ka rabto ama inay dib u dhisaneyso oo laga dhisi doono isla xarumihii ay ahaan jireen waa arrin dowladda u taalla, laakiin dowladda waxaa laga qaadan doonin in dhulkaas uu berri u gacan galo shaqsiyaad caadi ah.

Si walba, aqbalida baneynta xarumaha dowladda, in dowladda maareyso dadka xarumahaasi ay duruufaha dejiyeen iyo ka guurista kadib inuu dhulkaasi gacan dowladeed ku dambeeyo ayaa ah waxa ugu badan ee laga yiri doodda dhulalka danta-guud ee dib u qaraxday.

Like it? Share it!

Leave A Response