Galmudug oo sheegtay in ay bilaabayso dhismaha goleyaasha degaanka

by admin | Saturday, May 28, 2022 | 406 views

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed jamac (Cabdiwayel) Oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Omar Abdi Mohamed ayaa kulan la qaatay Gudoomiyasha Gobolada Mudug Iyo Galgaduud iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Galmudug.
Wasiirka ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed Iyo Amni ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Galmudug.

Gudoomiyeyaasha gobolada ayaa soo gudbiyay cabashooyinka dhanka maamulka ay ee qabaan, sidoo kale caqabadaha ka heysta dhismaha golayaasha deegaanka.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay inta sanadkaan ka dhiman in loo baahan yahay in degmooyin badan lagu dhameystiro dhismaha goleyaasha deegaanka.
Ugu danbayntii Wasiir Cabdi Maxmed jamac Ayaa Ugu Baaqay Dhamaan Maamulada Degmooyinka Inee u diyaar Garooban Dhismaha Golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response