Ganacsatada Islii oo ku hanjabtay in Dibadbax ay dhigayaan haddii la ciqaabo Axmed Rashiid!

by admin | Monday, Nov 28, 2022 | 288 views

Guddiga Ganacsatada Xaafadda Islii ayaa sheegay in ay dibadbax sameynayaan haddii ciqaab la marsiiyo Axmed Rashiid oo kamid ah Saraakiisha Booliiska Kenya oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu si bareer ah oo caddeymo loo hayo ku dilay labo wiil oo lagu eedeeyay Burcadnimo.

Xoghayaha guud ee Guddiga Ganacsatada Islii, Cumar Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in la ciqaabo Axmed Rashiid oo gacan adag ku qabtay burcad ay ka ganacsan waayeen kahor inta uusan howshaan qaban.

Cumar, waxa uu soo jeediyay in la laga fikiro Danaha Nabadgalyada ee uu ka shaqeeyay Sarkaalkaan katirsan Booliiska Kenya gaar ahaan Ciidamada la dagaalama Burcadda iyo kooxaha kale ee dhibaatooyinka ka geysta Xaafadda Islii.

“Axmed Rashiid shaqo fiican oo ah nabadgalyada Xaafadda Islii ayuu hayay, waxa ay sheegeen in maxkamad lasoo taagi doonno 8da December 2022, haddii tallaabo laga qaado mudaharaad ayaan sameyn doonnaa, Dukaamada ayaan xiri doonnaa, waxaana u taaganahay in qofkaas la badbaadiyo” Xoghayaha guud ee Guddiga Ganacsatada Islii.

Cumar Ibraahim Xuseen, Xoghayaha guud ee Guddiga Ganacsatada Islii ayaa sheegay in marka la is barbardhigo waxyaabaha uu qabtay Axmed Rashiid & kuwa lagu soo eedeeyay in ay kala badan yihiin, sidaas awgeed loo baahan yahay in lagu garab istaago shaqadiisa.

“Gar & gardarro kuma difaaceyno Axmed Rashiid, waxa aan leenahay qofkaas waxa uu qabtay ayaa ka badan waxyaalaha hadda lagu eedeeyay, in uu wax sax ah qabtay ayaan ognahay, waxaa la yiri wixii laguu sheego & wixii aad aragtay way kala duwan yihiin, xaafadda ayaa degenahay, Ganacsigeena maamulkeeda ayaan ku jirnaa, wixii ka jira ayaan ognahay, wixii ay soo martay ayaan ognahay, xaaladdii ay ku sugneed ayaan ognahay & sida uu shaqada u qabanaayo, Moolashada (Mall) ayaa la jabsan jiray, Amni darrada, Dadka qoryaha wata ayaa meel kasta iska taagnaa, waxaas dhan way baaba’een, marka dadkii howshaas u taagnaa haddii maanta la yiraahdo dambi ayuu geystay oo meel lasaaro ama maxkamad la mariyo oo dambi lagu raadsado anaga waxa aan u arkeynaa in ganacsiga naga loosoo jeedo ayaan arki karnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghaye Cumar Ibraahim.

Guddi dabagal ku sameeya dambiyada ka dhaca Booliiska Kenya ayaa Sarkaalka lagu magacaabo Axmed Rashiid kusoo oogay eedeyn la xiriirta in uu Bartamaha Islii uu ku dhex toogtay Jamaal Maxamed & Maxamed Daahir Kheyre 31-Maarso-2017.

Like it? Share it!

Leave A Response