Golaha Aqalka Sare oo Maanta loo qeybinayo Xeer ku saabsan muddo kordhin

by admin | Saturday, Mar 4, 2023 | 258 views

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay kulan ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in uu Maanta jiro Kulanka Aqalka Sare, waxaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin.

1.Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka KMG, xeerjaas oo ah mid muddo kordhin loogu sameeynaya xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Maalihii la soo dhaafay ansixiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo kasoo gudbay Golaha Shacabka, waxaana weli horyaalla sharciyo dhowr ah oo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response