Guddoomiye Mursal oo Xildhibaanno u sheegay inuu fashilmay Heshiiskii 17-kii September

by admin | Saturday, Mar 27, 2021 | 299 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka xilgarsiinta Maxasmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah Xldhibaannada Golaha Shacabka uu u sheegay in uu fashilmay heshiiskii doorashada ee 17kii September, isla markaana uu muddo kordhin sameeynayaan.

Xildibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Mucaaradka ee  Shacabka ayaa sheegay in guddoomiye Mursal intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka  uu Guddi Xildhibaano ah oo u tagay uu u sheegay.

  1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!
  2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!
  3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.

Sidoo kale Xildibaan Mahad Salaad waxaa uu sheegay in ay xaqiiqo tahay in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha muddo xiledkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response