Gurmad & Garab istaag{warbixin}

by admin | Wednesday, May 9, 2018 | 990 views

Dhibatadii ka dhalatay Fatahaadda wabiga uu ka sameeyay Beledweyne waa sii kordheeysaa marba marka kasii danbeyso maadaama wali roobab xoggan da’ayaan Gobalka iyo guud ahaan dalkaba.

Dadka ku nool gobalka Hiiraan oo awalba la liitay dhibaatoyin kale sida sicir barar, maamul liita, Iyo Nolol xumo kaleba ayaa middaana waxay noqoneysaa Dhibaato kale oo Saf mar ah.

Illaah unbaa awood lehe, waxaan ku baaqeynaa in dadkaas loo gurmado af & adin, Hiil & Hoo intaba, maadaama dhibaato ama musiibo rabaani ah tahay awood dowladeed oo dhexda u xeratayna ka muuqan meesha.

Ururada Dhalinyarada, Ciidamada, jaaliyadaha & Xildhibaanada Gobalka kasoo jeeda & guud ahaan cid walba oo wax ka qaban karta waa in si dhaqso ah looga hawl galaa ka jawaabidda Dhibaatadaas.

Golaha waxaa ka go’an in uu Waxii karaankiisa ah ka qabto arinkaas sida u dhaqsiyaha badan.

Mahadsanidiin

© Max’ed Max’uud Xeebow
Xoghayeha Golaha Ahna
G/G/Arimha Bulshada

Like it? Share it!

Leave A Response