Haweenay lagu dhex dilay gurigeeda Magaalada Baydhabo

by admin | Wednesday, Oct 31, 2018 | 812 views

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Bulshadda kunool Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, Haweenay ka mid aheyd dadka Magaalada ayaa gurigeeda lagu dhex dilay.

Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Haweenaydaan oo lagu magacaabi jiray Caatika Ibraahin, lagu dilay xaafadda Ceelka Cabdi Shire ee dhanka Bari Magaalada Baydhabo.

Dilkaan ayaa cabsi badan ku abuuray Bulshadda kunool magaalada Baydhabo , waxaana ciidanka Booliska ay bilaabeen howlgallo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiray Khilaaf ka dhaxeeyay Haweenayda la dilay iyo Seygeeda oo Shabaab ka mid ah.

Saraakiisha Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ruux ay la xiriirinayaan inuu wax ka ogaa dilkaasi dhacay xalay ee loo gaystay haweenaydaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response