Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Suudaan

by admin | Wednesday, Oct 31, 2018 | 987 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay caasimadda Muqdisho, isagoo ku sii jeedda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo , ayaa uga qaybgalaya dalka Koonfurta Suudaan munaasabad lagu dhammeystirayo heshiiska nabadda ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalkii ugu dambeeyay Afrika.

Xalfadda waxaa kalo ka qaybgalaya hoggaamiyayaasha Midowga Afrika iyo ururka gobolka ee IGAD, kuwaas oo si dhow ula socday xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo dhinacyada siyaasadda isku haya ay dhowr mar ku dagaallameen.
Dowladda Koonfurta Suudaan iyo fallaagada ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo lagu doonaya in xabad joojin waarta laga dhaqan geliyo dalkaasi horraantii bishii Luulyo  ee sanadka 2018-ka. Heshiiska  ay wada gaareen madaxaweynaha Koonfurta Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar ayaa dhigayay in xabad joojin lagu tallaabsado.
Heshiiskan wuxuu ka qayb yahay dadaalka ay wadaan hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ay ku doonayaan in xabad joojin laga hergeliyo dalka Koonfurta Suudaan.
Like it? Share it!

Leave A Response