Haweeneey xubin ka aheyd ururka Daacish oo Jarmalka lagu maxkamadeenayo

by admin | Saturday, Dec 29, 2018 | 896 views

Haweeney xubin ka aheyd ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah oo lagu eedeeyay inay gabar yar oo shan sanno jir ah ku eegatay inay oon u dhimato xilli qoraxduna ay aad u kulushahay ayaa waxa ay gudaha Jarmalka ku wajahaysaa dambiyo dagaal.

27-jirkan u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Jennifer W, ayaa ninkeeda waxa uu canugta yar u keensaday ‘adoonsi’ magaalada Muusil ee dalka ee uu gacanta ku hayay ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah sanadku markuu ahaa 2015.

Ninka Jennifer ayaa waxa uu gabadha ku katiinadeeyay bannaanka kaddib markii ay xanuunsatay Jennifer W-na ma ay badbaadin, dacwad oogayaasha ayaa sidaasi sheegay.

Sidoo kale waxa ay wajahaysaa dacwado ah inay dilgaysatay iyo inay hub dambi ku gaysatay.

Haddii lagu helo dambiyada loo haysto ee ay qaadayso maxkamadda qaadda falalka argagixisada ee magaalada Munich waxa ay wajahaysaa xabsi daa’im.

Gabadha shan sanno jirka aheyd waxa ay ka mid aheyd maxaabiis dagaal oo Jennifer W iyo ninkeeda ay soo kaxaysteen.

Warbaahinta Jarmalka ayaa waxa ay ku warramaysaa in gabadhu ay u badan tahay inay ka tirsaneyd qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yazidi, qowmiyaddaas oo intooda badan ay qabsadeen adoonsi ahaanna u haysteen maleeshiyaadka ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah markii ay 2014 la wareegeen waqooyiga Ciraaq.

“Markii ay gabadhu xanuunsatay oo ay qoysay joodaragii ay ku jiiftay, ninka haweeneydan eedaysan ayaa waxa uu ku katiinadeeyay bannaanka si uu u ciqaabo sidaasna gabadhii yareyd waxa ay ugu dhimatay oon xilli qoraxduna ay aad u kululeyd,” ayey dacwad oogayaashu ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

“Haweeneyda eedaysan waxa ay ogolaatay in ninkeedu uu sidaas sameeyo mana aysan jirin wax ay gabadhaasi ku badbaadinayso,”

Jennifer W waxa ay waddanka Ciraaq u kicitintay 2014, markaas oo ay xubin ka noqotay ururka Daacish, waxaa lagu sheegay eedaymaha ka dhanka ah.

Shaqadeedu waxa ay aheyd inay gaaf wareegto goobaha lagu nasto ee magaalada Muusil iyo magaalada kale ee ay Daacish ka talinaysay ee Falluujah, waxa ayna ku hubaysneyd AK47, bastoolad iyo suun laga soo buuxiyay walxaha qarxa, dacwad oogayaasha ayaa sheegay.

“Shaqadeedu waxa ay aheyd inay xaqiijiso in haweenku ay raacaan dhaqanka iyo shuruucda labiska ee ururkaasi argagixisada ah,” bayaanka ayaa lagu sheegay.

Jennifer W waxaa xiray booliska Turkiga bilooyin kaddib markii geerida gabadha markaas oo ay booqanaysay safaaradda Jarmalka uu ku leeyahay magaalada Ankara si ay warqadaheeda aqoonsiga u soo cusboonaysiisato.

Waxaa loo dhoofiyay Jarmalka, halkaas oo markii hore loo ogolaaday inay dib ugu laabato gurigeeda sababtoo ah ma aanay jirin caddeymo loo hayay falalka ay gaysatay.

Booliska Jarmalka ayaa haddaba waxa ay xireen bishii Juun mar ay isku dayaysay inay u safarto waddanka Suuriya, tan iyo markaana waa ay xirneyd.

Ilaa iyo haatanna taariikh looma qaban dhageysiga dawcadda loo haysto.

Magaalada Muusil ayaa sanadkii hore waxaa laga xoreeray Daacish kaddib saddex sanadood oo ay halkaas ka talinayeen, kooxduna haatan waxaa lagala wareegay ku dhawaad dhammaan deegaannadii ay ka talin jirtay ee Ciraaq iyo Suuriya.

Like it? Share it!

Leave A Response