Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya oo joojiyay dibadbax maanta ay ku ballansanaayeen Taageerayaashiisa.

by admin | Monday, Apr 3, 2023 | 215 views

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ahna hoggaamiyaha Mucaaradka Dalkaas ayaa ku dhawaaqay in uu baajiyay dibadbax maanta ay ku ballansanaayeen taageerayaashiisa oo labadii Isniin lasoo dhaafay dibadbaxyo rabshado watay dhigay.

Waxa uu dood sharci ah oo dastuurka Kenya ogol ka dhigtay Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga in ay dhigi karaan dibadbaxyo balse Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay u rogeyso rabshado maadaama ay cadaadis kala hortageyso dadka isu-soobaxa dhigaya.

Keliya waxa uu sheegay in ay maanta hakiyeen laakiin aanay ka dhigneen in guud ahaan dibadbaxyada ay ka tanaasuleen, Odinga ayaa ku sifeeyay bannaanbaxyada mid lagu muujinayo awoodda dadka isu-soobaxaya.

“Waxa aan hakinay isu-soobaxa Isniinta ee April 3-deeda 2023 oo ah mid dimuqraadi ah oo xaq ay u leeyihiin muwaadiniintu in ay soo bandhigaan cabashadooda, waa qodob dastuuri ah oo uu ogol yahay Dastuurkeena” ayuu yiri Raila Odinga.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadal horreeyay Raila Odinga ayaa ku eedeeyay in muuqaal aanay wanaagsaneen ay dalka ka bixiyeen maalmihii dibadbaxyada rabshadaha watay ay ka dhacayeen Dalkaas.

Dhibaatooyinka ugu weyn ee laga dhaxlay ayuu Madaxweyne William Ruto sheegay in ay yihiin Amniga Kenya oo Cabsi xooggan laga muujiyay, Isu-socodka Ganacsiga oo Istaagay isla markaana sicir-barar dhanka Maciishadda ah la dareemay.

Xubno katirsan Midowga Afrika ayaa ku baaqay in wadahadal laga dhex abuuro Dowladda iyo Mucaaradka Kenya si looga hortago rabshado saameeya Amniga, Dhaqaalaha & dhibaatooyin ka dhasha rabshadaha labada dhinac dhexmaraya.

Like it? Share it!

Leave A Response