Maxaa kasoo baxay Kulanka looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho?

by admin | Monday, Apr 3, 2023 | 204 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Caasimadda oo ay ka qaybgaleen Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Saraakiisha qaybta guud ee Booliiska, Guddoomiyaasha Degmooyinka & kuwa deegaannada Gobolkaan hoostaga.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray qorshaha lagu sugayo Amniga Magaalada Muqdisho, Saraakiisha Booliiska iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka ayaa laga dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada ka socda Caasimadda.

Fadhiga ayaa si gaar ah looga hadlay kahortagga weerarada ‘AS’, L adagaalanka Kooxaha Burcadda ah, Ciribtirka Walxaha maanka-dooriya iyo wax ka qabashada dhalinyarada loo yaqaan “Ciyaaal Weerarada” sida hadalka loo dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo Warbaahinta la hadlay Kulanka kaddib ayaa sheegay in Maamulka, Saraakiisha & Guddoomiyaasha ay isla garteen xoojinta qodobada laga wadahadlay.

Tan iyo markii ay curatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa kordhay kulamada looga hadlayo Amniga Caasimadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la joogteynayo kulamadaan.

Marka laga sootago weerarada, qaraxyada & dilalka ay ‘AS’ ka geysato Magaalada Muqdisho waxaa intaas u dheer Kooxaha Burcadda ah ee dadka ka qaata Telefoonnada iyo waxyaabaha kale ay wataan, dhalinyarada loo yaqaan Ciyaar weerarada iyo Walxaha maanka dooriya.

Like it? Share it!

Leave A Response