Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo: Dowladda federaalka kama yeelidoonno in masiirkeenna lagu xiro dadka Hargeysa ku nool

by admin | Friday, Sep 15, 2023 | 99 views

Hoggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Fidhiye ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in degaankiisu uu helo xaquuqdiisa Soomaalinimo.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay dagaalkii Laascaanood ka dhacay inuu salka ku hayay labo aragtiyood oo kala ah, aragti midnimo doon ah  iyo aragti gooni goosad ah.

Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay dadkiisu iyo degaankiisuba inay muddo dheer halgan ugu jireen in aan dalka lakala goyn, wuxuu sheegay dadka Soomaaliyeed in looga baahan yahay inay difaacaan oo ay la wareegaan ilaalinta midnimada dalka.

“Annaga qibladdayada siyaasiga ah waa Muqdisho. Waa caasimadda qaranka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowladda federalka in dadkan aysan ka qaadin xuquuqdii muwaadin oo ay ku lahaayeen qaranka Soomaaliyeed. Mid ma dhici doonto in masiirka dadkan loo sadqeeyo dadka ku dhaqanka Waqooyi iyo Hargeysa,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye

Hoggaamiye Firdhiye wuxuu sheegay Muuse Biixi iyo maamulkiisa inay duullaan kusoo yihiin Laascaanood.

Wuxuu diray baaqiisii ugu dambeeyay, isagoo sheegay in ay jawaab adag ka bixin doonaan duullaanka kaste oo kaga yimaada Somaliland.

“Caawa waxaan jeedinayaa baaqii ugu dambeeyay ee aan ujeedinayno dadka aan deriska nahay, oo aanu leenahay, nabad galyaa idiin haynaa, duullaan idinkuma ahin, dhulkayagaa joognaayee kiina ha idin ku filnaado,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC.

Hadalkaan ayuu hoggaamiyaha SSC- Khaatuma ka sheegay kulan uu xalay magaalada Laascaanood kula qaatay xildhibaano ka socday labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo shalay safar ku tagay magaalada Laascaanood.

Like it? Share it!

Leave A Response