vBilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax isku dhigay

by admin | Friday, Sep 15, 2023 | 136 views

WAR- SAXAAFADEED

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo uu sheegay iney naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, Xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

“Axmed Fiiqane waxuu naftiisa u huray si uu u fashiliyo falka argagaxiso, wuxuuna badbaadiyey boqolaal kale oo dhamaan laheyd oo ay ku jiraan madax iyo masuuliyiin sare. Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

– Dhammaad-

Like it? Share it!

Leave A Response