Horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallada Jubbooyinka.

by admin | Friday, Apr 19, 2024 | 22 views

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa Kumaandooska Danab, guutada 162-aad iyo kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa howlgal istaraatiiji ah ka fuliyay degmada Jamaame, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa laga sameeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla jiinka webiga Jubba, gaar ahaan Jiimay, Bangeeni, iyo Bandar Jadiid oo dhammaantood ka tirsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Federaalka howlgalkan ayaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad muhiim ah.

” Khasaaro xooggan ayaa gaaray shabaab, waxaana la dilay in ka badan 30 horjoogayaal iyo maleeshiyaad ah, waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay dhowr qof oo dhaawac ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response