Howlgal ka socda Xaafado ka tirsan Boosaaso

by admin | Wednesday, Mar 18, 2020 | 514 views

Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halkaas oo shalay gelinkii dambe uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu diley Nin lagu Magacaabi jirey Saleebaan Axmed Shire oo katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland halka lagu dhaawacey hal askari iyo qof Shacab ah,iyada oo dadkii ka dambeeyey falkaasi ay baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha Boosaaso oo mararka qaar ay guryaha baaritaano ku sameynayaan,iyaga oo baadi goob ugu jira dad falal amni darro ka geysta Boosaaso.

Saraakiishu ilaa iyo hadda ma shaacin holwgalladaas waxyaabaha ay kusoo qabteen,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in wadooyinka iyo Xaafadaha qaar ee Magaalada Boosaaso lagu arkayo Ciidamada oo weli howlgalka wada.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu diley Mas’uuliyiin,askar iyo Shacab,waxaana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ka dagaalama deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Like it? Share it!

Leave A Response