In ka badan 100 ruux oo lagu dilay mudaharaadyada Myanmar

by admin | Sunday, Mar 28, 2021 | 326 views

In ka badan 100 ruux ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demoqoraadiyadda, taas oo ka dhigtay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii Febraayo markaas oo ay soo billowdeen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii milatariga
Warbaahinta Myanmar Now ayaa soo warisay in dhimashada xilli dambe oo Sabtii shalay ah ay gaartay ugu yaraan 114 ruux, Iyadoo 29 qof oo canug shan ahaa uu kujirayna lagu dilay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Mandalay halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon.

Wakaaladda wararka AP oo soo xigatay cilmi baraare ku sugan magaalada Yangon ayaa sheegtay dhimashada 107 ruux, labada tiro ayaana ka badan tii horay loo wariyay banaanbixii 14kii March oo lagu dilay 90 qof.
Taliska milatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi.

Like it? Share it!

Leave A Response