Ingiriiska oo Ciidamo katirsan kuwa Kenya u tababaraya kahortagga Qaraxyada.{sawiro}

by admin | Friday, Jul 21, 2023 | 152 views

Waxaa dhaqangalay heshiiska Iskaashiga wadajirka ah ee Militariga Waddamada Ingiriiska iyo Kenya kaddib markii tababar 6 todobaad soconaya loo furay ciidamo katirsan kuwa difaaca Kenya ee KDF si loogu kordhiyo aqoontooda & waaya-aragnimadooda.

May be an image of 1 person and text that says 'KENYA'

Ciidamo laga soo dhex xulay askarta Dalkaas ayaa tababar gaar ah waxaa siinaya saraakiil iyo macalimiin ciidan oo katirsan kuwa Boqortooyada Ingiriiska si ay ugu kordhiyaan aqoonta muhiimka ah ee askariga looga baahan yahay.

May be an image of 2 people

Kaddib waxa ay sameeyeen dhoolatus ciidan oo ay kasoo dhex muuqdeen askarta & saraakiisha ciidamada labada Dal si Dadka u dhashay labadaan waddan ay u arkaan in uu dhaqangalay heshiiskaan muddada dheer laga soo shaqeynayay.

May be an image of 3 people and text that says 'KENYA'

Madaxa ugu sarreeya ciidamadaan Kenyanka ah ee tababarka qaadanaya ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid faaiido badan u leh ciidamadooda oo lagu tusinayo waxyaabo badan oo aqoontooda ka dhiman.

May be an image of 3 people

Waxa uu intaas ku daray in si gaar ah loo tusayo qaabka la isu difaaco, sida loo fuliyo howlgallada qorsheysan ee qaaska ah, kahortagga qaraxyada iyo ka howlgalka goobaha halista badan ee weerarrada xooggan ka socdaan.

May be an image of 1 person, cheetah and text that says 'KENYA FORCES DEFENCE'

Kenya ayaa sheegtay in tababarkaan ay uga faaiideysaneyso sidii Ciidamadeeda u heli lahaayeen aqoon dheeraad ah oo ay ku wajahayaan kahortagga dagaallada tooska ah iyo qaraxyada ay ‘AS’ ku beegsadaan ciidankeeda.

May be an image of 7 people

Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in ay isu diyaarisay howlgal xooggan oo salkiisu yahay sidii ay ula dagaalami lahayd dagaalamaayaasha ‘AS’ ee gudaha dalkeeda weerarrada ka geysta & xoojinta ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response