‘Isku-dayga wax looga beddelayo nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare’

by admin | Friday, Jul 21, 2023 | 174 views

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dambeeyay ayaa lagu gaaray heshiis wax looga beddelayo nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo buuq badan dhaliyay.

Madaxda dowladda federaalka iyo madaxdii hore oo dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale heshiiskaasi ka dooday, gaar ahaan isku-deyga wax looga beddelayo nidaamka dalka ee hadda jira.

Laga soo billaabo dowladdii Cabdi Qaasim uu madaxweynaha ka ahaa ee sanadkii 2000 lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha waxa uu noqday mid joogta ah, dowlad walba oo dalka soo martana wey wajaheysay.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano dhinaca dastuurka ayaa aaminsan in dastuurka dalka uu sal u yahay khilaafyadaasi maadaama madaxweynaha la doorto, ra’iisul wasaarahana uu isagu magacaabo, mararka qaarna ay kala fikir duwanaan karaan.

Taas ayaa haddana waxay usii gudubta nidaamka doorashooyinka dalka iyo awood qeybsiga qabiilka ku saleysan oo isna sameeyay hanaanka wada-shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, Soomaaliya ma u baahan tahay isbeddel dastuur, si wax loo beddelo nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare?

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid aheyd musharaxiintii madaxweynimada ee isku soo taagay doorashadii dhoweyd oo ka qeyb gashay barnaamijka bandhigga VOA ayaa sheegtay in hanaanka dowliga ee dalka uu yahay mid aan cago badneyn ku dhisneyn, kana gedisan midka adduunka.

“12-ka doorasho ee caalamka ka jirta ee qof iyo cod mid aan aheyn oo 13 ayaa kusoo kordhinay oo wareer iyo dhibaato badan keentay, oo ah midda 4.5 wax lagu dooranayo, ma aynaan qaadan doorashooyinkii caadiga ahaa ama jaarkeena iyo adduunka ku dhaqmayeen,” ayay tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxay sheegtay in hanaanka hadda jira uu yahay mid lagu kala baqayo qabiil, sidaas darteed loo baahan yahay hanaan madaxweynaha lagu soo doorto doorasho dadweyne, awoodna u leh magacaabista iyo eryida ra’iisul wasaaraha.

“Sida aduunka u dhaqmo waa in madaxweynaha shacabka soo doorteen, isaguna uu keeno ra’iisul wasaarihiisa, hadhoona haddii uu gaabis ka arko ama isfahmi waayaan uu eryi karo, hadda madaxweynaha ma eryi karo ra’iisul wasaaraha, ma taaban karo laakiin wuu keeni kara, taas ayaa lafteena dacfi ah.”

Xildhibaan Fowsiya ayaa sidoo kale taageertay qeybo kamid ah heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, gaar ahaan xisbiyada siyaasadda, inkasta oo siyaasiyiinta qaar ay qabaan in dastuurka uusan u baahneyn isbedel weyn, balse awoodda loo kordhin karo madaxweynaha.

Si kastaba, heshiiskii u dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran ayaa lagu soo saaray in dalka laga hirgeliyo labo xisbi siyaasadeed, hal guddi doorasho qaran, iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda heer degmo, heer gobol iyo heer federaal, oo ay ku jirto gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response