Isreal oo Suudaan u direysa Qamadi qiimo ahaan ku kacaya $5 milyan.{sawiro}

by admin | Monday, Oct 26, 2020 | 538 views

Heshiiska Israaiil & Suudaan ee uu Garwadeynka ka ahaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sahlay in Yuhuuddu ay Qamadi ugu deeqdo Xukuumadda Khartuum kadib markii ay aqbashay (Saaxiibtinimada cusub).

War kasoo baxay Israaiil ayaa lagu sheegay in Qamadigaan lagu qiimeeyay lacag dhan $5 Milyan, waxaana ay u gacangelineysaa Dalka Suudaan ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika oo dhibaato dhanka cunnada heysata.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduuk uu u hibeynayo kaalmadaan Qamadiga ah ee lagu daah-furayo xiriirka Saaxiibtinimo ee dhawaan la beeray.

Suudaan waa dalkii saddexaad oo carbeed oo aqbalay xiriirka toos ah ee lala sameynayo Israaiil, dalalka liiskaan uga horeeyay kaalmaha 1-aad & 2-aad kala galay waa Isu tagga Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in waddamo kale oo Carbeed ay qadka kusoo jiraan, kuwaas oo ku dhawaaqaya xiriirka uu garwadeynka ka yahay ee ay la wadaagayaan Israaiil.

Falastiin ayaa tallaabada Trump iyo qorshaha cusub ee waddamada carabta ku tilmaamtay mid lagu muusayo jiritaankooda & isla markaana Yuhuudda lagu garab-istaagayo falalka ka dhanka ah ay ka wadaan dhulka ay xoogga ku heysato

Like it? Share it!

Leave A Response