Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay waxbeerashada u diideyso dadka Tigreega

by admin | Wednesday, May 12, 2021 | 267 views

Sarkaal sare oo katirsan gobolka Tigree ee dagaaladu aafeeyeen Itoobiya ayaa sheegay inuu jiro olole ula kac ah oo looga hortagayo dadka inay wax tabcaan, taas oo uu ka digay inay horseedi doonto dadka inay u dhintaan gaajo.

Abebe Gebrehiwot, oo ah ku xigeenka madaxa xukuumada kumeelgaarka ah ee Tigray, ayaa ka sheegay TV-ga maxaliga ah in ciidamadu ay ka celinayeen abuurka inay gaaraan gobolka una sheegaan dadka inaan loo ogoleyn inay wax beertaan.

Ma uusan magacaabin kuwa sidan samaynaya laakiin wuxuu carabaabay aagag cayiman oo laga ogyahay inay ku sugan yihiin askarta iyo ciidamada Eriteriya ee ka socda gobolka Amxaarada Itoobiya.

“Dadaalada looga hortagayo soo gelida abuurka iyo dadaalada lagu joojinayo beerashada ma lahan fariin kale oo aan ka aheyn, ‘Dadka Tigreegu ha u dhintaan gaajo,’ ayuu Mr Abebe u sheegay TV-ga Tigray.

Arrintan ayaa waxay caddeyn dheeri ah u tahay in dambiyada ka dhanka ah aadanaha la geysto – waxayna culeys ku kordhineysaa eedeymaha ah in rayidka Tigreega si wada jir ah loo ciqaabayo.

Colaadu waxay ka qaraxday Tigray 4tii Nofeembar 2020 markii dowladda Itoobiya ay qaadday guluf ay xukunka uga saareyso xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, ee TPLF, ka dib markii dagaalyahannadeedu qabsadeen saldhigyo milatari oo federaal ah.
Iskahorimaadka lixda bilood socday wuxuu saameyn ba’an ku yeeshay gobol markii horaba cunno yaraantu ka jirtay.

Sida laga soo xigtay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, 5.2 milyan oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahan gargaar cunno .

Like it? Share it!

Leave A Response