Kenya oo dirsaneysa Dayax Gacmeedkii ugu horreeyay

by admin | Saturday, Apr 7, 2018 | 932 views

Dowladda Kenya ayaa dhawaan dirsaneysa Dayax Gacmeedkii ugu horreeyay kaas oo sameyntiisa ay iska kaashadeen Jaamacadaha Nairobi iyo Roma ee dalka Talyaaniga.
Dayax Gacmeedkan ayaa lagu soo bandhigay Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka,2dii Bishan ,halkaas oo laga dirayo,waxaana ugu badan ee ay shaqadiisa noqoneysaa,Horumarinta Waxbarashada,Beeraha iyo Cilmi baarista.
Wasiiradda Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma,ayaa madasha lagu soo bandhigay Dayax gacmeedkan ka sheegtay in arrintani ay billow u tahay horumarka dhinaca Cirbixiyeennada ee dalka Kenya.
Waxaa ay sheegtay in Kenya ay aad ugu riyaaqsantahay arrintan iyada oo u mahad celisay Dowladaha Mareykanka,Talyaaniga iyo Japan oo ka gacansiiyay sameynta Dayax Gacmeedka.

Hadda waxaa ku socota qalabeynta,waxaana Hawada loo dirayaa Dayax Gacmeedkan Bisha May ee soo socota sida ay sheegtay dowladda K

Like it? Share it!

Leave A Response