Kenya oo xog dheeraad ah ka bixisay hub iyo dadkii waday oo lagu qabtay Mandheera

by admin | Saturday, Mar 16, 2019 | 1390 views

Dowladda Kenya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hub iyo dadkii waxay oo ciidamada Kenya ay ku qabteen deegano ku yaala xuduuda Somalia iyo Kenya.

Maxamed Biriq oo ah isku duwaha Amniga ee Mandheera oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen  afar ruux oo la dagaalamay ciidamada Kenya xili ay roondo ku jireen.

Maxamed Biriq, ayaa sheegay in afarta ruux oo Soomaali ah lagu qabtay iyaga oo wada qoryo aan sharci aheyn iyo rasaas badan, isagoo tilmaamay in hadda lagu hayo xabsi ku yaala Mandheera.

Dadka shacabka ah ayuu sheegay in ragga hubeysan ay xogtooda soo gudbiyeen, sidaasna ay ku qabteen ciidamada Amaanka xili ay ku raad joogeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

“Ciidamada markii ay jidka u galeen ayey afarta qof rasaas billaaabeen Ciidamada ayaana gacanta ku dhigay,xabsi ayey hadda ku jiraan, maxkamad ayaana la soo taagayaa”. ayuu yiri Maxamed Biriq.

Maxamed Biriq ayaa ugu dambeyn sheegay in hubkaan loo malaynayo in loo waday Al Shabaab ama dadka burcadda ah ee xoolaha ka dhaca dadka reer Miyiga ah ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mid ka mid ah afarta qof uu dhaawac soo gaaray laguna hayo Isbitaalka Deegaanka Ceelwaaq, waxaa uu sidoo kale intaas raaciyay in Ciidamada amaanka ee gobolka heegan sare ku jiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response