Khudbadii Nicholas Haysom uu u jeediyay Golaha Ammaanka ee QM{AKHRISO: }

by admin | Friday, Jan 4, 2019 | 668 views

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,taasoo uu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa  uu sheegay in uu  Soomaaliya yimid 3-dii October ayna si Wanaagsan u soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo katrisan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wakiilka ayaa sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan Soomaaliya, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato.

Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaari lahaa.

Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu.

Ayadoo ay jiraan isbaddalladaas wanaagsan ayuu sheegay in ismariwaaga u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka uu curyaaminayo in la garto nooca federaal ee uu dalku qaadanayo iyo hirgalinta qorshaha dhisidda ciidan qaran.

Waxa uu sheegay in ay booqdeen dhammaan gobolada, ayna jireen hindiseyaal dhiirri galin leh oo lagu doonayo in lagusoo celiyo calaaqaadka.

Hase ahaatee, ayuu yiri xaaladda dalka waxaa cakiraya hannaanka doorashooyinka kuwaas oo haatan ka dhacaya dhowr kamid ah dawlad goboleedyada.

Waxa uu tusaale u soo qaatay doorashadii dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu sheegay in eedaymaha la xiriira faragalinta dawladda federaalka ah iyo rabshadaha halkaas ka qarxay ee ka dhashay xariggii ku xigeenkii hore ee Alshabaab aaanay wanaag u horseedayn doorashooyinka kale ee mustaqbalka ka dhacaya gobollada kale iyo tan qaranka labadaba.

Sida loo maamulo doorashooyinka soo socda ee 2019-ka iyo hannaanka siyaasadda ee harsan, gaar ahaan dib u eegista dastuurka ayuu sheegay in ay go’aamin doonto in Soomaaliya ay hormar kale ku tallaabsato iyo in kale.

Like it? Share it!

Leave A Response