Sir Aan Ka Helnay Sida Loo Abaabulay Khiyaano lala Rabo In Murashaxiinta Puntland Qaar Lagu Dhabar jebinayo

by admin | Thursday, Jan 3, 2019 | 701 views

Iyadoo Dawlad Gobolleedka Puntland ay yeelanto Hogaan Cusub Todobaadka Dambe ayaa hadana digniino badan la bixinayaa sida ay noqon karto Doorashada la filayo inay Qabsoonto.

Doorashadaan ayaa ka xiiso badan xitaa midii Soomaaliya Hogaankeeda loogu tartamayey Ee Qawaamuurta ka qeyb qaadanayeen.

Dawlad Gobolleedka Puntland waxay dooneysaa inay hesho Hogaamiye Wax badan ka bedeli kara diifta dadka ka muuqata iyo siyaasad deggan la imaan kara.

Sida ay wax ku socdaan lama mahdin doono,is garbin midii ugu weyneyd ayaa la dareemayaa,waxaana socda kulamo gaar gaar ah,xildhibaanada oo la shukaansanayo iyo arimo badan oo laga cabsi qabo inay siyaasiyiinta xildoonka ay isku colaadinayaan.

Madaxweynihii hore Ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole,ayaa waxa uu sheegay in badankood Murashaxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha ay yihiin kuwo Daneystayaal ah.

Senetor Faroole waxa uu maalmo ka hor saxaafada ugu sheegay Garowe in C/weli Gaas uusan mudneyn mar kale in shanta sano soo socota lagu aamino Masiirka Puntland,isagoo fariin udiray Xildhibaanada wax soo dooranaya.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Khiyaano la maleegay in doorashada lagu sameeyo Murashaxiinta Xilka raadineysa oo lagu qasbo inay tanaasulaan Wareegyada ugu dambeeya Doorashada.

Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa waxa uu ka digtoon yahay Dhagarta la maleegay maadaama isaga uu ka mid yahay Murashaxiinta Xilka raadineysa Ee Puntland.

Sidoo kale waxaa iyaguna meel dheer ka taagan tahay in shirqoolkaas ay ku dhacaan,Wasiir Hore Puntland Marna soo noqday Murashax Madaxweynaha Soomaaliya Cali Xaaji Warsame kana digay in Doorashadaas lagu shubto.

Dawlada Dhexe ayaa lagu eedeeyey in ay wax ku leedahay shirqoolkaas la maleegay Ee Doorashada Puntland Taariikh 8 Ka dhaceysa Magaalada Garowe,waana doorasho Afduub lagu sameyn doono.

Like it? Share it!

Leave A Response