Weerarro toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha London

by admin | Wednesday, Jan 2, 2019 | 910 views

Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib laba weerar oo toorrey loo adeegsaday oo  ka dhacay magaalada London ee dalka Britain.

Weerar loo adeegsaday toorrey oo ka dhacay degaanka Park Lane ayaa waxaa ku dhintay hal nin, halka saddex qof oo kale oo mid ka mid ah ay tahay dumar lagu dhaawacay.

Sidoo kale haweeney ayaa lagu toogtay goob lagu caweeyo oo ku taal Hackney halka mid kale si xun loogu toorriyeeyay Southwark.

Booliska ayaa sheegay in ninka lagu dilay Park Lane uu ahaa nin ka shaqeeya arrimaha amniga ee goobtaasi. sidoo kale labada nin ee kale ee la dhaawacay ayaa iyaguna ka shaqeynayay isla goobtasi.

Dadka weerarradan ku dhaawacmay ayaa dhamaantood lagu daweeyay goobta lagu weeraray, ka hor inta aanan loola cararin isbitaallada. Dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ayaa la sheegayaa in aysan ahayn kuwo halis gelin karaya nolashooda.

Like it? Share it!

Leave A Response