Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo maanta dhaceysa

by admin | Friday, Jan 4, 2019 | 711 views

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo doorashadda Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana hadda socda diyaar garow Ballaaran oo ku aadan doorashadda.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdiraxmaan Cali Jibriil,Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Dhammaan raggan u tartamayaa doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa la sheegayaa in ay kala wataan murashixiinta madaxtinimada Puntland,taas oo la micnaha in natiijada maanta soo baxda ay saadaal u tahay doorashada madaxweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response