Kooxaha fallaagada Suuriya oo wali ku sugan gudaha gobolka Idlib

by admin | Tuesday, Oct 16, 2018 | 777 views

Waxaa dhamaaday wakhtigii kama dambeysta ahaa ee kooxaha jihaad doonka ahi loo qabtay in ay uga baxaan furimaha hore ee woqooyiga Suuriya, mana muuqata astaan muujineysa in kooxahani ay halkaasi ka baxeen.

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa kormeeraya qorshaha gobolka idlib looga sameynayo dhul ka caaggan mintidiinta, taa oo looga gol-leeyahay in la kala fogeeyo kooxaha fallaagada ahi iyo ciidamada dowladda Suuriya.

Waddamadani ayaa kooxahani Islaamiyiinta ahi u qabtay ilaa iyo maanta oo isniin ahayd in ay halkaasi kaga baxaan.

Balse dadka la socda arrimaha dalkaasi Suuriya ayaa sheegaya in mintidiinta kooxahani islaamiga ahi ay wali halkaasi ku sugan yihiin.

Ilaa iyo haatan wax war ah oo arrintaa ku saabsan kama uusan soo bixin Turkida iyo Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa usbuucii la soo dhaafay sheegtay in dib u dhac yar oo ku saabsan dhaqan galka qorshahaasi mintidiintu uga baxayanaa aagaasi aanan loo qaadan doonin wax weyn.

Qorshahaasi ayaa la dejiyay kaddib shir waddamada Iraan, Turkiga iyo Ruushku ay ku yeesheen magaalada Tehraan, xilli ay jirtay cabsi laga qabay in ciidamada Suuriya ay duulaan xooggan ku qaadaan gobolka Idlib.

Duulaankaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeestay dowladda Turkiga iyo beesha caalamka inteeda kale.

Dowladda Turkiga ayaa heshiiska qorshahaasi ka hor ciidamo tira badan uu ku xoojiyey xadka Suuriya ee Idilib oo ay ku xooggan yihiin milishiyaad gacan saar la leh oo dowladda Suuriya ka soo horjeeda, iyada oo tallaabadan uu Turkigu qaadayna lagu tilmaamay mid lama filaan ah.

Turkiga ayaa wuxuu gacan siiyaa milishiyada Idlib gacanta ku haysa oo dowladda Bashar Al-Assad ay xilligaasi dooneysay iney ka qabsato goobaha hadhay ee ay gacanta ku hayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response