Kumanaan dibadbaxayaal ah oo lagu xiray Hindiya

by admin | Thursday, Dec 19, 2019 | 710 views

Tobnaan kun oo dibadbaxayaal ah oo ku kala sugan gudaha Hindiya ayaa jebiyay amarkii dowladda ee ahaa inaysan dibadbaxyo sameyn, iyagoo ka cabanaya sharciga cusub ee dhalashada ee lagu muransan yahay.

Booliiska ayaa xirxiray arday iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Kumannaan booliis ah ayaa lagu daad gureeyay magaalada acasimadda ah ee Delhi, halkaasoo ay dhowr meelood ka socdaan dibadbaxyada.

Adeegyada isgaarsiinta ayaa laga joojiyay qeybo ka mid ah magaalada Delhi, gaar ahaanna meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada oo qaarkood ay rabshado wataan.

Sharciga cusub ayaa dhalashada Hindiya siinaya muhaajiriinta sharci darrada ah ee aanan Muslimiinta ahayn, kuwaasoo ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan.

Dadka al xiray waxaa ka mid ah Ramachandra Guha, oo ah taariikh yahan caan ah kaasoo dowladda Hindiya mucaarad ku ah.

Sharcigan ayaa aad loogu kala qeybsamay gudaha India.

Like it? Share it!

Leave A Response