Wasiirka Caddaaladda oo ka hadlay Maxbuus isbitaal xoog looga saaray

by admin | Wednesday, Dec 18, 2019 | 761 views

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Maxbuus xoog looga saaray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ka dibna geeriyooday.

Wasiirka waxaa uu sheegay in tilaabaddaasi ay ka dhalatay Carro, islamarkaana ay waddaan baaritaano ku aadan sidda ay wax u dhaceen Shaqaddiina laga joojiyay Mas’uuliyiintii falkaasi ku kacay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka Caddaalada in Guddi loo saaray si loo helo baaritaano deg deg ah,islamarkaana dhawaan lala wadaagi doono bulshadda Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta shaaciyey in Shaqada ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile,kaas oo eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay.

Like it? Share it!

Leave A Response