Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo saaray Go’aano la xariira Amniga Doorashooyinka

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 236 views

Kadib kulan ay Maanta Magaalada Beledweyne ku yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kasoo saareen amaro la xiriira dhanka amniga maadaama magaalada Beledweyne oo ah Xaruna Gobolka Hiiran ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa Warbaahinta u Akhriyay Go’aanada kasoo baxay Gudiga Amniga , kuwaas oo ku saabsan Amniga, waxaana kala yihiibn Go’aanada.

1: Ciddii lagu arko, iyada oo Gudaha Magalada Beledweyne ku dehx-wadato qoray iyo dhar caadi ah in laga qadi doono qoray, sidoo kalena laga qaadi doono tallaaboi sharci ah & xarig.
2: Ciddii Aada degaannada ay mamulaan Al-Shabaab laa macaamisha loo aqoonsan doono loolana dhaqmi doono sida Al-Shabaab.
3: Dhamaan Shirkadaha, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha ee la macamiila Al-Shabaab laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
4: Ciddii la arko, iyada oo amniga khalqal gelineysa in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadaan.
5: Dhamaan bulshada ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ayaa loogu baaqay inay Cidamada kala Shaqeeyaan sugida amnuga maadaama laguda gelayo howlaha doorashooyinka.
Go’aanada kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar maleeshiyaad uu wato Janeraal Xuud oo siwyen uga soo horjeeda Madaxda Hir-Shabeelle ay soo galaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response