Maamulka Koonfur Galbeed oo Go’aano soo saaray

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 311 views

Shirka ay yeesheen Guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus oo uu Shir Guddoominayay kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa waxaa loogu hadlay arrimihii ugu danbeeyay COVID-19 ee Deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Amar cusub oo lagu ciqaabayo Gaadiidleyda Bajaajta iyo Dhaweeyaha ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed oo u hogaansami waayay Amaro uu horey usoo saaray Guddiga kaas oo la xiriiray Xakameynta Faafitaanka Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo Saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay laga bilaabo 24 bishan Maarso ilaa 27-ka dhammaan deegaanada Koonfur Galbeed aysan ka shaqeyn doonin Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta iyo Dhaweeyaha sababo la xiriira u hogaansamid la’aan qodobadii ay dhawaan soo saareen Guddiga ee kamidka ahaa xirashada Afsaarka (Face mask) iyo in dadka ay kala fogaadaan.
Ugu danbeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya, Hey’addaha iyo Jaaliyaddaha Koonfur Galbeed inay kaalin muuqata ka qaataan baahiyaha kajira deegaanada Koonfur Galbeed ee ku aadan cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Like it? Share it!

Leave A Response