Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 333 views

Madaxweynaha dolad Goboleedka  Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka yimid dhinaca Magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Galmudug.

Madaxweynaha dolad Goboleedka  Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo amniga siwyen loo adkeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response