Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday duleedka Beledweyne

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 302 views

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka Magaaladaasay ka dhacday is rasaaseyn geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Israsaaseynta  oo ka dhacday degaanka Ceelgaal oo qiyaastii 8-Killo mitir dhanka waqooyi kaga beegaan Beledweyne ayaa waxaa ay dhex martay maleeshiyo hubeysan, waxana ku geeriyooday Haweeneey lagu Magacaabi jiray Foos Axmed Barroow halka qof kale uu ku dhaawacmay.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa sababaha dagaalka dhex-maray waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay salka ku heyso is qabqabsi la xiriira dhul degaankaas ku yaal.

Laamaha amaanka Magaalada Beledweyne weli kama hadlin dagaalkii ka dhacay duleedka degmadaas, waxaana la sheegay in weli halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response