Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo gaarey Baydhabo

by admin | Monday, Jan 13, 2020 | 643 views

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalalada Beydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ee Shaati Gaduud Airporka si heer sare ah loo soo dhoweeyay.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ah ka qeyb galka shir weyn beri ka furmaya Magaalada Beydhabo oo looga hadlaayo arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo horumarinta Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa isla Caawa waxaa uu Magaalada Baydhabo ka bilaabi doonaan kulamo uu la yeelanayo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response