Madaxweynaha oo booqasho ku tagay deegaanadii u dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 213 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u dambeeyay ee laga saaray Ururka Al-Shabaab ee katirsan Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Maamulka Jubbaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, harboole  iyo Janaay Cabdalle, halkaas oo ay Al-Shabaab maamuli jireen balse lagala wareegay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Jubbaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaanada kale ee wali Al-Shabaab ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaay Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay  saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markaana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

Like it? Share it!

Leave A Response