Maxay kawada hadleen MW Ismaaciil Cumar Geelle & Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed?

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 312 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland oo ay kawada hadleen dib usoo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

 

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo martigeliyay fadhiyo badan oo ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland si ay uga wadaxaajoodaan tabashooyinka jira si looga gudbo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Somaliland ayaa u baahan in uu helo waddan martigelin kala Madaxda Dowladda Federaalka & Somaliland si ay u wadahadlaan.

 

 

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah waddanka ugu dhaw ee Afrika oo ay ku kulmi karaan Dowladda Federaalka & Somaliland, dalkaan ayaa heysta waaya-aragnimo siyaasadeed oo ah in kulamo horay u dhexmaray labadaan dhinac martigeliyay.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa garab-istaag ka helay Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweyne Muuse Biixi, Hoggaamiyaha Xisbiga UCID, mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi & dhinacyo kale.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhowaan sheegay in uu si toos ah wadahadalka u jiheynayo in laga wada hadlo qodobada tabashada keenay si natiijo fiican usoo baxdo, waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay ka gungaarista howsha uu u igmaday Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response