Madaxweyne Farmaajo o kulan la leh wafdi ka socda Dowladda Mareykanka

by admin | Wednesday, Sep 9, 2020 | 395 views

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa haatan Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho qeybta Hangarka waxaa uu kulan xasaasi ah kula leeyahay Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo isugu jira Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliya la Taliyeyaashiisa arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga,waxaana Xubnaha wafdiga la sheegay inay daba socdaan walaac Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ka muujisay musuq maasuq iyo eex howlaha la xiriira dib u habeynta amniga.

Xalay ayaa safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa ay soo saartay qoraal a ku sheegtay inay ku taagreyso dib u habeynta Amniga, hayeeshee ay ka digtay in musuq maasuq iyo in eex la sameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response