Madaxweyne Qoor-Qoor oo loo gudbiyay cabasho ka dhan ah Guddoomiye Gacal!

by admin | Tuesday, Oct 13, 2020 | 368 views

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka labaad ee DG Galmudug oo ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Xildhibaannadaan ayaa Qoor-Qoor u gudbiyay in uu wax ka qabto cabashadooda oo salka ku heysa buuq ka dhashay howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo awood sheegashada Guddoomiyahooda.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee DG Galmudug ayaa u sheegay  warbaahinta in Madaxweynaha maamulkaas ay u gudbiyeen in uu wax ka qabto tallaabooyinka uu qaadayo Maxamed Nuur Gacal oo ka dhan ah Dastuurka sida ay hadalka u dhigeen.

warbaahinta  ma aysan helin jawaabta Madaxweyne Qoor-Qoor ee la xiriirta cabashada ka dhanka ah Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DG Galmudug, maadaama arrintaan ay sii kicisay buuq siyaasadeed ka taagnaa howlaha shaqo ee Baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasoow waxa uu kamid ahaa rag kursiga kula tartamay Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug Maxamed Nuur Gacal, balse wuu ka guuleystay.

Like it? Share it!

Leave A Response