Qaybo kamid ah Isgoysyada Muqdisho oo dhagaxaanta laga qaaday & meelo horleh oo la dhigay!

by admin | Tuesday, Oct 13, 2020 | 378 views

DFS ayaa muddo dheer kadib waxa ay dhagaxaanta ka qaaday qaar kamid ah isgoysada Magaalada Muqdisho oo qaarkood xitaa iskaba dhaafee Gaadiidka iyo mootooyinka ka gudubka dadka ay ku adkeyd.

Halka isgoysyada qaar kaliya loo ogolaa Mootooyinka iyo Gawaarida heysta aqoonsiyada oo saf dheer marka ay galaan, hubin baaris ah ay maraan kadib loo ogolaan jiray in ay ka gudbaan gaadiidkaas.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta  ayaa u sheegay xalay saq dhexe la qaaday dhagaxaantaas, isla markaana dadku ay ku waaberiisteen dhagaxaantii horay loo dhigay isgoysyada Sanca, Jardiinka, Folorenza, Bakaaraha iyo kuwo kale.

Dhammaan isgoysyada dhagaxaanta laga qaaday waxa ay muhiim u yihiin isu gudubka waddooyinka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarrama, inkasta oo aan la sheegin in gaadiidka toos loogu fasaxay waddooyinkaas dhagaxaanta laga qaaday.

Goobjoogayaal kale oo la hadlay warbaahinta  ayaa u sheegay in dhagaxaanta laga qaaday waddada Wadnaha la dhigay Jidka Warshadaha, meelaha cusub ee lagu arkay waa Isgoyska Ifka xalane gaar ahaan waddada hormarta Garoonka Cayaaraha Muqdisho.

Sidoo kale dhagaxaanta waxaa la dhigay agagaarka xaruntii Teleefishinka oo u dhaw Isgoyska Miisaanka Dhuxusha, halka isla isgoyskaas loo diidayo Gaadiidkii ka gudbi jiray oo ay qayb ka yihiin kuwa dadweynaha & Xamuulka.

Dadka qaar ayaa arrintaan ku tilmaamay dhagax durjin, maadaama dhagaxaanta laga qaaday isgoysyada isku xira wadnaha iyo Maka Al-Mukarrama la dhigay isgoysyada muhiimka u ah isu socodka Warshadaha & Soddonka.

Inkasta oo dhagaxaanta laga qaaday isgoysada, wali waxaa yaalla biro, taariyo iyo waxyaabo kale oo muujinaya in aan Gaadiidka Dadweynaha loo ogoleyn ka gudubka, waxaana wali jaray waddooyinka jid-cadayaasha Xaafadaha dhexmar

Like it? Share it!

Leave A Response