Madaxweyne Waare oo Wajahay Caqabad hor leh

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 1042 views

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilliggaan waxaa uu la kulmaya Mooshin ay kasoo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa xildhibaano ka badan 57 xildhibaan waxa ay soo gudbiyeen Mooshin xilka looga qaadaayo Madaxweyne Waare, Waxaana Mooshinkaasi aqbalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare waxaa uu wajahaya Caqabad ka timid maamulkiisa xilli uu dhawaan heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo ku aadana in uu ka baxay heshiiskii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/10/

Like it? Share it!

Leave A Response