Maleeshiyo Beeleed xeray garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq.

by admin | Tuesday, Nov 8, 2022 | 180 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay xireen, isla markaana ay joojiyeen Shaqadii garoonka diyaaradaha degmadaas.

Maleeshiyaadka oo wata hubka culus iyo gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay ka careysan yihiin habka loo qeybiyay golaha degaanka degmada Cabudwaaq oo qaarkood la doortay, iyaga oo sheegay in aan laga siin saamigii ay ku lahaayeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Maleeshiyaadka ay garoonka diyaaradaha degmada Cabudwaaq kaso celiyeen oo ay diideen inay ka degto diyaarad siday mas’uuliyiin iyo Odayaal Dhaqan, iyaga oo sheegay in aysan garoonka furdi oonin ilaa laga xaliyo tabashadooda.

Maamlmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabashada la xiriirta dhismaha Golaha degaanka, iyada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug uu dhawaan kala diray maamulkii degmada Cabudwaaq.

Waa Markii labaad oo bil Gudaheed ay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq lawareegan maleeshiyo Beeleedyo diidan Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Caabudwaaq.

Like it? Share it!

Leave A Response