Howlgallo laga sameeyay magalada kismayo.

by admin | Tuesday, Nov 8, 2022 | 415 views

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Howgalladan ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalooyinka Jubbaland, loogana hortagi lahaa weerarada Ururka Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shacabka faray in ay si dhow ula shaqeeyaan islamarkaana ay lasoo wadaagaan hadii ay arkaan xogaha falalka amni darada ah ay maleegayaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response