Raisulwasaaraha Soomaaliya oo gaaray dalka jabuuti.

by admin | Tuesday, Nov 8, 2022 | 284 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Waa safarkii Sadexaad oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu uga bxo dalka tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo horay u tegay dalalka Itoobiya & Tunisia

Like it? Share it!

Leave A Response