Manchester United Oo Ogaatay Halka Ay Ka Liigayso Ee Ay Tottenham Ka Dili Karayso

by admin | Saturday, Aug 19, 2023 | 146 views

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay dhibaatada ugu weyn ee haysata ka hor ciyaarta adag ee galabta ee Tottenham ay martida ugu noqonayaan magaalada London, taas oo tababare Erik ten Hag uu doonayo inuu guul ka keeno si ay kooxdiisu u qabato hoggaanka horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT

Isniintii ayay soo baxday dhibaatada ugu weyn ee Manchester United iyo booska ay kaga imanayso kaddib markii ay wiilasha tababare Gary O’Neill ee Wolves ay dhinac walba kaga yimaaddeen laakiin uu nasiibku ka eexday.

Labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Bruno Fernandes iyo Mason Mount ayaa khdka dhexe ku cidleeyey Casemiro, waxaanay qayb ka noqdeen weerarka, taas oo keentay in si fudud ay ciyaartoyda Wolves u burburiyaan khadka dhexe oo ay fursado badan ka abuureen.

Tababare Erik ten Hag ayaa ka fiirsan doona in uu kusoo bilaabo xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen si uu u caawiyo Casemiro maadaama ay Tottenham tahay koox  khatarteedu badan tahay oo tababaraheeda cusub ee Ange Postecoglou uu dib u habayn ku sameeyey, inkasta oo ay barbarro 2-2 ah la galeen Brentford kulankii koowaad.

ADVERTISEMENT

Pocstecoglou ayaa waxa uu jecel yahay in kooxdiisu ay si adag uga dheesho difaacyada dhinacyada oo ay sameeyaan caawimaad, waxaana tusaale loosoo qaadan karaa sidii uu Romero u dhaliyey goolka furitaanka ciyaartii Brentford ee uu dhaawaca ku baxay, halka khadka dhexe ee hal-abuurka loo deynayo James Maddison oo xagaagii ay kala soo wareegeen Leicester City iyo ruug-caddaayada kale ee ay Spurs sii haysatay.

Like it? Share it!

Leave A Response