Mareykanka oo $10 Milyan oo Doollar dul dhigay Madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo Hoggaaminayay Weerarkii ka dhacay Dusit D2.

by admin | Friday, Jan 13, 2023 | 187 views

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in $10 Milyan oo Doollar ay ku bixineyso xogta & madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo katirsan ‘AS’ oo ku eedeysan in uu kamid ahaa Raggii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit D2 eee Magaalada Nairobi.

Goobta weerarka ka dhacay waxaa ku yaalla dhismo Safaarado, xubno katirsan ‘AS’ ayaa weerar qarax ku billawday ku qaaday, kaddib koox hubeysan ayaa gudaha u gashay, dagaalka lagu soo afjaray oo socday ku dhawaad 24 saac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas ku geeriyootay 22 qof oo lagu daray 5 ruux oo ah kooxdii weerarka fulisay, Mareykanka ayaa qirtay in muwaadiniin uga geeriyootay weerarkaas socday 15ka illa 16ka Janaayo 2019.

Raadinta Dadkii ka dambeeyay weerarkaas ayay Dowladda Mareykanku sheegtay in ay ku howlan tahay si loogu ciqaabo ‘Dambiga ay geysteen’ si ay ugu waano-qaataan dadka kale ee abaabulaya weeraro waa sida hadalka loo dhigay.

Amiin Maxamed Ibraahim oo ah Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista Kenya DCI ayaa sheegay in xogta Dadka ku eedeysan dhibaatooyinka ka dhacay Dalkaas lagu raad-joogo si loogu maxkamadeeyo marka lasoo qabto.

Danjiraha Mareykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa sheegtay in Washington ay ka go’an tahay Bixinta lacagta abaalmarinta si loogu dhiirrageliyo Muwaadininta heli kara xogaha dadka bartilmaameedka ah.

“Waxa aan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2″ ayay tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Mareykanka ayaa kordhiyay abaalmarinta lacageed ee uu dul dhigay saraakiil & Madax katirsan ‘AS’, Washington ayaa go’aankaan ku difaacday in ay sahli karto soo qabashada ama in la dilo xubnaha lagu raad-joogo.

Like it? Share it!

Leave A Response