Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay Buuraleyda Galgala

by admin | Friday, May 24, 2019 | 674 views

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn dhinaca cirka ah oo 22kii Bishan ay ka geysteen buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Qoraal uu soo saaray Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah Dagaalyahannada Daacish lagu dilay duqeynta.

Warka ka soo baxay Mareykanka waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Daacish, Mareykanka iyo AMISOMna ay ku garab siinayaan.

Afhayeen u hadlay Africom ayaa sheegay in duqeynta Goolis ka dhacday aysan geysan khasaare dad rayid ah islamarkaana lala beegsaday Ururka Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response