Maxaa lagu heystaa Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho?{Akhriso}

by admin | Sunday, Aug 19, 2018 | 1108 views

Ciidamada Booliska ayaa shalay soo xiray inta badan Mas’uuliyiintii maamuli jirtay  Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho.

Dadka la xiray waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Axmed Samow oo saakay la hadlay Warbaahinta qaar ayaa sheegay in lagu heysto Canshuuro la isdabamariyay, islamarkaana maanta ay filayaan in su’aallo la weydiiyo.

Axmed Samow oo ay ka muuqatay kalsooni badan waxaa uu sheegay in uu lugihiisa ku tagay xarunta CID-da ka dibna la xiray, islamarkaana maanta ay sugayaan Caddaalad.

Waxaa uu qiray in ay jirto Canshuuro la mariyay meelo aan munaasabad aheyn, islamarkaana uu filaayo waxyaabaha lagu heyso in ay ka qeyb ka tahay.

Mas’uuliyiintii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho ayaa la magacaabay Bishii May ee Sanadkii 2017-ka ka dib markii Mas’uuliyiintii ka horreysay lagu eedeeyay Musuq, islamarkaana dhammaantood xilka laga qaaday.

Xubnaha ayaa xalay ku hoyday xarunta CID-da waxaa ku jira xubno si weyn uga soo shaqeeyay Ololihii doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

8 xubnood ayaa hadda xiran waxaana sidoo kale lagu daba jiraa kuwo kale oo baxsad ah sidda ay sheegeen taliska Hay’adda dambi baarista.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgal ka dhan ah Musuq maasuqa, waxaana hadda xiran ku dhawaad 20 qof oo lagu eedeeyay in ay Lunsadeen Xoolo dadweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response