Maxaa saaka ka Cusub Degmada Guriceel?{AKHRISO}

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 238 views

Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.Dhinacyada ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana Maalintii Saddexaad xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sbire Falagle.

Manirto ilaa iyo hadda waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response