Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed?

by admin | Thursday, May 18, 2023 | 180 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheikh Adan Mohamed Nur Madoobe ayaa xafiiskiisa maanta kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wajiga labaad ee dib u xorreynta deegaannada Al-Shabaab go’doomiyeen si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad gelyo iyo xasilooni.

Like it? Share it!

Leave A Response